Qaban-qaabada lagu soo dhoweynayo Korneel Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa oo ka soconaysa galabta Kismaayo.

33

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay soconayso qaban-qaabada la xiriirta soo dhoweyn la filayo in galabta magaalada loogu sameeyn lahaa.

30 xubnood oo isugu jira rag iyo dumar ayuu Ra’iisul wasaaraha u xil saaray soo dhoweynta garabka Korneel Barre Hiiraale isaga iyo ciidamadiisaba.

Waxaa sidoo kale magaalada ka soconaya kulamo ay leeyihiin Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada ay soo gaaraan ciidamada Barre Hiiraale oo iminka ku sugan deegaanka Goobweyn.

Warkan wixii ku soo kordhaa kala soco wararka dambe Ee Idale News Kala Soco.

Korneel Barre Hiiraale - 150

Idale News Online, Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.