Ciidamado Soomaali Nabad Ilaalin Ah Oo La Qorsheeyay In Loodirayo Koonfurta Suudaan.

45

Qoraal rasmi ah oo  kasoo baxay xarunta urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo ka socda Urur goboleedka IGAD oo ka kala imaanaya illaa 5 wadan oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa la qorsheeyay in  loo dirayo wadanka koofurta Sudan si ay u dajiyaan ugunu soo celiyaan nadaamka iyo kala dambeynta.

R/wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, oo hadda ah shir gudoonka wadamada IGAD ayaa sheegay in ururku diyaariyay ciidamo ka kala socda illa 5 wadan oo kala ah Soomaaliya Jabuuti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda kuwaasoo qorshuhu yahay in dalka South Sudan la geeyo dhamaad bishaan April iyo bisha May.

Hailemariam ayaa sheegay in ciidamadaan ay yihiin nabad illaalin ay caawin doonaan dawlada koofurta Sudan oo waayahaan dambe ay dagaal kula jirto kooxo mucaarad ah.

Hadalkaan kasoo yeeray urur goboleedka IGAD ayaa noqonaya mid dhiiri geliyay ciidamada Soomaaliya in kastoo ay Soomaali badani ay dhahayaan tiisa daryeele ayaa tukale kudara.

Ciidamadda Soomaaliya

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.