Maamulka cusub Ee Gobalka Hiiraan oo maanta xilka lagu wareejiyay.

61

Wararka laga helaayo magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaas ay ka dhacday xaflad ay xilalka ku kalawareegayeen gudoomiyihii hore ee gobalkaas iyo midka Cusub.

Gudoomiyihii hore ee gobalkaas Cabdi Farax Laqanyo ayaa xaflad ka dhacday taliska ciidanka AMISOM ee gobalka Gobalka Hiiraan ayaa waxa uu xilka ku wareejiyay gudoomiyaha cusub ee gobalkaas C/fataax Xasan Afrax.

Cabdi Farax Laqanyo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilkaan ku wareejiyo gudoomiyaha cusub isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay in markasta uu la shaqeeyo.

Dhanka kale waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaa cusub C/Fatax Xasan Aftax  waxa uuna sheegay in isaga xilkaan oo sidaan oo kale horay  wareejiyay iminkana isaga lagu wareejinaayo isla markaana uu ku faraxsan yahay nidaamka dimuqraadiyada ku jirto.

Ugu danbeyntii maamulka cusub ee Hiiraan ayaa ballan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan arimaha ammaanka iyo sidii wax loogu qaban lahaa shacabka gobalka Hiiraan.

cabdi-fataax-xsan-afrax

Idale News Online, Baladweyne, Hiiraan.

You might also like More from author

Comments are closed.