Shirka dib-u-heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka oo dib u furmaya.

39

Wejiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha dega gobollada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Shirka oo lagu qabanayo xarunta Ceymiska Qaranka ee Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu furo raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Weriyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo warramaya in shirka ay ka qaybgalayaan madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo ururrada bulshada ee gobollada Jubbooyinka.

Wararka ayaa sheegaya inay shirka goobjoog ka noqon doonaan ergo ka socota; Qaramada Midoobay, IGAD iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa adkeeyay ammaanka magaalada, gaar ahaan waddooyinka gala xarunta uu ka dhacayo shirka.

dekadaKismaayo

Idale News Online, Kissmaayo.

You might also like More from author

Comments are closed.