Caafimaad Daro Ka jirta Degaano Ka Tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

54

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose C/qaadi Nuur Maxamed Siidii oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in ilaa iyo hada wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya aanay ka helin wax gargaaar dawo caafimaad ah,isagoona sheegay in deegaanada Sh/hoose ay ka jiraan xaalad caafimaadaro. 

C/qaadir Siidii ayaa hay’adaha gargaar iyo wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya wuxuu mar kale ka codsaday inay la soo gaaraan gobolka gargaar dhinacyo badan leh haba ugu badnaadaane dawada Caafimaad si loo yareeyo baahiyaha dhanka caafimaadka ah ee iminka jira,sida uu yiri.

Ilaa iyo hada ma jirto wax gargaar caafimaad ah oo naga soo gaaray wasaarada caafimaadka Soomaaliya,waxaa jira cuduro badan oo ka dilaacay deegaano ka tirsan Sh/hoose,marka Wasaarada Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee gargaarka waxaan u sheegeynaa inay gobolka yimaadaan waxna ka qabtaan baahida iminka jirta.” Ayuu u sheegay C/qaadir Siidii.

Shalay ayay ahayd markii Odayaal iyo Waxgaradka ka soo jeeda gobolka Sh/hoose ay sheegeen in Cuduro ka dilaaceen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

siidii

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.