Dowlada Federaalka & Maamulka Puntland oo beri ku balansan Gaalkacyo

45

Waxaa maalinta bari ah oo jimce ah la filayaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug uu soo gaaro  Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan xubno xukuumada & Barlamaanka ka tirsan.

Ra’iisul wasaaraha oo safar dheer ku qaadey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha ah soo afjaro safarkiisa gobolkaas, waxaana warar ay heshay warbaahinta Idale News Online sheegayaan in isla berito wafdiga Ra’iisul wasaaraha gaari doonaan gobolka Mudug gaar ahaan degmada Gaalkacyo.

Hogaamiyaha Maamul goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo isagu haatan ku sugan Gaalkacyo ayaa maamulkiisa waxuu diyaargarow weyn ugu jiraa soo dhoweynta wafdiga dowlada federaalka iyadoo ilaalo lagu xoojiyey wadooyinka degmada Gaalkacyo

Maamulka goboleedka Puntland iyo dowlada federaalka ayaan xiriirkooda xumaadey sanad ka hor ka dib markii ay Maamulkii hore ee Puntland Faroole uu ku eedeeyey madaxda dowlada federaalka Soomaaliya in ay is bedel ku sameeyeen dastuurkii qabyo qoraalka ahaa ee dhinacyada Soomaalida ku heshiiyeen halka dowlada federaalka dhankeeda ay sheegtay in eedeyntaasi tahay waxba kama jiraan.

puntlandVsDF

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.