Qaybtii 2aad ee Soomaali sharci daro ku joogay Kenya oo Muqdisho la kenya.

Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo dagay diyaarad siday in ka badan 90-qof oo ah Soomaali laga soo tarxiilay dalka Kenya.

Dadkan oo isugu jira dumar, carruur iyo dad waaweyn ayaa ka mid ah dad fara badan oo lagu soo qabqabtay howgal ciidanka Kenya ay ka sameeyeen labadii toddobaad ee la soo dhaafay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadka laga soo tarxiilay Kenya ayaa ku sugnaa garoonka oo soo dhaweeyay dadka.

Waa qaybtii labaad Soomaali sharci daro ku joogay Kenya oo dib loogu soo celiyo Soomaaliya, tan iyo markii uu billowday howgalka xaafadda Islii ee Nairobi.

tarxiil

 Idale News Online, Kenya.

Comments are closed.