Ra’iisul wasaare Cabdiweli Oo booqday xero tababar uga socdo Ciidamada Maamulka Jubaland(sawiro).

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Maxamed oo maalintii shanaad booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ayaa booqasho ku tegay xero uu tababar uga socdo ciidamo ka mid noqon doono kuwa maamulka Juba.

Cabdi weli oo ka hadlay xerada ayaa sheegay in dowlada ay aad u soo dhaweyneyso ayna taageereyso in maamulka Juba uu yeesho ciidamo booliis, nabadsugid iyo military oo suga nabada gobolkaas, ayna tahay in dhamaan ciidamada dowlada gobolkey joogaanba ay ay yeeshaan hal hadaf kaas oo ah in ay cadowga nabad diidka ah ay dalka ka xoreeyaan.

Raiisul wasaaraha ayaa booqashadiisa waxaa ku weheliyay wasiiro iyo wasiir ku xigeeno uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdala Xuseen Cali.121110123456789

Idale News Online,Kismaayo.

Comments are closed.