Ragga qaadka cuna ee degan Magaalada Muqdisho oo qaarkood bilaabay in qaadka laga keeno Kenya ay iska daayaan.

58

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaayo wecyi gelin lagu doonaayo in dadka reer Muqdisho ee qaadka cuna, ay muddo kooban joojiyaan cunista qaadka laga keeno dalka Kenya.

Tani waxaa looga dan lee yahay, sidii Kenya culeys loogu saari lahaa joojinta dhibaatada ay ku heyso bulshada Somaliyeed, ee ku nool Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Qaar ka mid ah ragga cuna qaadka, ayaa waxay bilaabeen in ay joojiyaan cunista qaadka laga keeno dalka Kenya, iyadoo qaarkood ay ka caroodeen in laga ooysiiyay hooyooyinka Somaliyeed ee degan dalka Kenya.

Cabdi Faarax Yariisow oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Warbaahinta Magaalada Muqdisho u sheegay, in uu si rasmi ah u joojiyay cunitaanka qaadka Kenya.

Cabdi Faarax wuxuu sheegay in uu adkeysan waayay dhibaatada ay Kenya ku heyso Soomaalida ku nool xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Ninkaan, ayaa wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan rag badan oo ay qaadka wada cuni jirayn, kuwaa oo dhammaantood wada joojiyay in ay cunaan qaadka laga keeno Kenya.

Qaad

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.