Cali Khaliif Galeyr Iyo Soomaliland Oo Wada Hadal Toos Ah U Furmay + Muuqaal .

54

Waxaa wada hadal toos ah ugu furmay magaalada Jig Jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaali Itoobiya Siyaasiga Soomaaliyeed Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr iyo Maamulka Soomaaliland waxaana lasheegayaa wada hadalka in uu gar wadeen ka yahay madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaali Itoobiya labada dhinacna u kala garqaadayo, dhinaca kale waxaa Jig Jiga ku sugan Garaad Jaamac isgana uu kulamo laqaatay Odayaal ka socda Soomaaliland.

Soomaaliland wasiir u hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wada hadalka tooska ah ee u furmay Mudane Cali Khaliif Galeyr iyo Soomaaliland balse Cali Khaliif Galayr waa siyaasi reer Soomaaliland ah,waana soo dhaweynaya, ayuu yiri Xuseen Axmed Cabdulle oo ah wasiirka Kheyradka iyo Biyaha Soomaaliland.

Hoos ka daawo wasiirka soo dhaweeyay wada hadal ee u hadlay Soomaaliland.

Waxaa xusid mudan in Mudane Cali Khaliif Galeyr dhowr 2 bil ka hor wareysi uu siiyay UniversalTV isaga oo ku sugnaa magaalada Nairobi wareysigaasi uu ku xusay Muqdisho iyo midnimada umada Soomaaliyeed weli kama aanan quusan ilaa iyo hada waxa dadkeena iyo deegaankeena loo gumaadayo waataa hadeynu nahay reer Khaatumo marka masuuliyiinta Dowlada uu ugu horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo dadka reer Muqdisho wey nala garan la’yihiin welina waan isku dayeynaa laakin waxa hada ka dambeeya waxa ay dadkeyga ku dhamaanayaa cidii nala garan weydo waan ka tashaneynaa ayuu wareysigaasi ku sheegay Mudane Cali Khaliif Galeyr.

caliKhalifSomaliChannel

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.