Ciidamada Somaliland oo gaaray Degmada Taleex.

79

Ciidamada Somaliland ayaa Saakay fariisimo ka sameystay Duuleedka Degmada Taleex ee Gobolka Sool, sidaas waxaa sheegaya Mas’uuliyiin iyo Dadka Deegaanka.

 

somaliland

Ciidamada Somaliland ayaa Saakay la wareegay tuulooyinka ku yaalla Duuleedka Degmada Taleex, waxaana jira Warar sheegaya in Ciidamada ay gudaha u galeen Degmada.

Ciidamadaan oo wata Hubka Culus ayaa haatan gacanta ku haya Degmada, sidaas waxaa sheegay Sargaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Khaatuma, waxuuna ku daray in Dagaal uusan ka dhicin Degmada.

Maamulka Khaatuma ayaa Maamuli jiray Degmada Taleex, inkastoo Maamulka Puntland uu sheegan jiray Deegaanka.

Dadka Shacabka ee ku nool Gobolka Sanaag, ayaa waxaa soo wajahay Cabsi ku aadan in ay saameyn ku yeeshaan Dhaqdhaqaaqa Ciidan ee ka jira Gobolka, islamarkaana u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Maamuladda Somaliland, Puntland & Khaatumo, ayaa ku muransan Lahaanshaha Goboladda Sool, Sanaag & Degmadda Buuhoodle, waxaana Murankaasi oo Muddo soo jiitamay uu sababay in dhowr Sano kahor magaalada Laascaanood oo xarunta u ah Gobolka Sool ay gacanta u gasho  Somaliland.

Idale new Online -Taleex.

You might also like More from author

Comments are closed.