Gudoomiyaha Cusub Ee Degmadda Xamar weyne oo Maanta Xilka La wareegey.

46

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamarweyne ayaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah xilkaasi uu ula wareego, kadib markii Wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Gobalka Banaadir xilkii looga qaaday Guddoomiyihii hore ee Degmadaasi.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Degmada Xamarweyne ay ka dhacdo munaasabad uu xilka ku wareejinayo Guddoomiyihii Hore C/laahi Ibraahin Sahal Gardhuub.

Guddoomiyaha cusub ee Degmadaasi loo magacaabay ayaa ah nin kasoo jeeda Degmada Xamarweyne, waana markii ugu horeysay inta la xusuusto Degmadaasi loo dhiibo nin kasoo jeeda.

C/qadir Carab oo ah Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamarweyne ayaa wax kusoo bartay dalka Suudaan, waxaana ay saaxiibo yihiin Duqa Muqdisho Muungaab oo isna Suudaan wax kusoo bartay.

Inta badan Masuuliyiinta loo dhiibay xilalka Degmooyinka Gobalka ayaa saaxiibo dhaw waxa ay yihiin Muungaab oo dalka Suudaan ay wax isugula soo barteen.

Goomiye Carab
Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.