Hoos u dhac ku yimid Ganacsiga Suuqa “EASTLEIGH”

40

Wadaadada diinta Masiixiga ee ku nool Xaafada Eastleigh iyo Ganacsatada, ayaa Doowlada Kenya ka dalbaday, in marka ay jiraan Howlgalada lagula dagaalamayo kuwa Argagixisada ah loo dhimriyo kuwa aan danbiga lahayn.

Ganacsiga Suuqa Eastleigh, oo ahaa mid 24 saac shaqeeya, ayaa hada waxaa soo wajahay hoos u dhac aad u weyn, maadaama ay dadka wax iibsada ka baqayaan in ciidamada ay qabtaan.

Tan iyo markii ay bilaawdeen Howlgalada, waxaa dareenay hoos u dhac ku yimid Ganacsiga 75%” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha dhinaca amaanka Ganacsatada Eastleigh, general Ahmed Mohammed.

Wadaadada diinta Masiixiga ee Islii oo kulan la qaatay Ganacsatada, ayaa Doowlada ka dalbaday ineey il gooni ah ku hayso Ganacsiga Islii iyo dadka aan waxbo galabsan ee ay ciidamada iska raafayaan.

“Howlgalada waa ineeysan noqon kuwo lagu bartilmaameedsado dad gooniya, diin gooniya iyo Jinsiyad, balse waa ineey ahaadaan kuwo lagu bartilmaamedsado kuwa falalka Argagixisada geysto” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah wadaadada diinta Masiixiga.

Booliska Kenya ayaa baad joogto ah iyo dhac ku haya shacabka Soomaaliyeed ee Islii, taasoo hoos u dhigtay Ganacsiga halkaas ka jiray.

isliiraaf

Idale News Online, Kenya.

You might also like More from author

Comments are closed.