Daawo Sawirada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Aad Iyo Aad Ayaan Ugu Faraxsanahay Taageerada Brunde Ee Dhanka Amniga.

44

Madaxweynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay H.E. Joseph Nkurunziza,Safiirka cusub ee Burundi isla markaana yiri “Burundi waa wallaalo noo huray dhiigooda si Somalia nabad u noqoto.”

H.E. Joseph Nkurunziza, Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Burundi wey ka go’antahay inay taageerto dadaalka nabadeyna Somalia. Shacabka Burundi waxey fahamsanyihiin muhiimadda ah in wallaal loo gurmado marka uu gurmad u baahanyahay, waana sababta ay ciidamadeenu u joogaan Somalia si ay nabada u soo celiyaan. Somalia waxey istaahishaa taageero oo aan beesha caalamka ugu baaqeynaa inay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan Somalia oo Dowladda lagu garab gala dib u dhiska hay’adaheeda si ay nabadda u soo celiyaan. Burundi wey sii labo jibaareysaa taageeradeeda ku wajahan Somalia.” Ayuu yiri Safiirku

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay taageerada Burunde ee dhanka amniga. Ciidanka Burundi waxey safka hore uga jiraan howlgalada kooxaha nabad-diidka dalka looga sifeynayo, iyagoo qeyb ka ah AMISOM. Ciidankeennu iyagoo kaashanaya AMISOM waxey maalin walba guulo ka gaarayaan oo ay kooxaha argagaxisada ka saarayaan goobo cusub si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan, maadaama ay khatar ku yihiin Somalia, iyo caalamka oo dhan. Burundi waxaan kala shaqeyn doonaa sidii aan xiriirka labada dal u sii xoojin laheyn.”

Burundi waa wallaalo jira oo aan marnaba la illaawi karin sida ay dhiigooda noogu hureen si Somalia ay nabad u noqoto. Sidoo kale waxaan idinkaga mahadcelineynaa tababarka ciidanka Soomaaliyeed oo maanta noqonaya ciidan tayeysan oo aan u diyaarineyno inay amniga dalka oo dhan la wareegaan mustaqbalka dhow.

Safiirka Burundi ayaa fariin uu ka siday H.E. Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Burundi soo gaarsiiyey Madaxeynaha Somalia oo uu ku ballanqaadayo sida ay uga go’antahay Burundi inay taageeraan Somalia. Safiirka ayaa ugu danbeyntii shir-jaraa’id la qabtay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia.

12345678

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.