Nabadoonada Kismaayo oo Ugu Baaqay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Wax Ka Qabashada Dilalka Ka Dhaca Magaalada Kismaayo.

Iyadoo hada Magaalada Kismaayo ee caasimada labaad Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa xubno kamid ah nabadoonada kasoo jeeda Kismaayo, waxa ay Ra’iisul Wasaaraha ujeediyeen codsi.

Codsiga odayaasha ay ujeediyeen Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma inuu wax ka qabato dilal ay sheegeen inay si joogto ah uga dhacaan Magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah Odayaasha Kismaayo kasoo jeeda ayaa Warbaahinta usheegay inay codsanayaan in Madaxda Maamulkaasi uu Ra’iisul Wasaaraha kala hadlo hakinta dilalka ka dhaca Magaalada.

Wuxuu kaloo sheegay in dilal kaliya aysan ka dhicin Kismaayo, si joogto ah ay uga jiraan Magaaladaasi Afduubyo lagula dhaqaaqo dadka shacabka ah iyo ganacsatada Kismaayo.

Siyaasiyiin kasoojeeda Gobalada Jubbooyinka ayaa dhawaan Axmed Madoobe waxa ay ku eedeeyeen inuu masuul ka yahay dilalka qorsheysan ee Kismaayo ka dhaca.

kismaayo

Idale News Online, Kismaayo.

Comments are closed.