RW Cabdi weli oo maalinki 2aad ku sugan Kismaayo

59

R/ wasaaraha xukumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulamo gooni gooni ah la leh qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiiinta mamulka KMG ah ee Jubba.

Dr. C/weli Sheekh Axmed R/wasaaraha dalka oo maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xalay kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada XDS kuwa maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraakiisha AMISOM waxeyna ka wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada sgabaab looga xoreynayo deegaannada Jubbooyinka, isagoo u sheegay saraakiisha in la dhameystiri doono baahida ciidamada xagga qalabka iyo mushaaraadkoodaba.

R/wasaare C/weli iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa sidoo kale xalay la kulmay Axmed Madoobe oo ah madaxa maamulka KMG ah ee Jubba, waxeyna isla xalay la kulmeen odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Kismaayo wuxuuna kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen nabadgelyada iyo howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada.

Sidoo kale R/wasaare Cabdi weli ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo qeybaha bulshada ku nool magaalada Kismaayo isagoo ka dhageysan doona warbixino ku aadan baahidooda, waxaana la filaya in R/wasaaruhu booqdo xarumo kala duwan oo ku yaala magaalada Kismaayo.

Waa booqashadii ugu horreysay ee R/wasaaruhu ku tago magaalada Kismaayo tan iyo markii loo magacaabay xilkaR/wasaaranimo.

Cabdi weli kimaayo jooogo

Idale News Online , Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.