Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka farxiyay Soomaalida ku dhaqan gobolada dalka.

33

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa balan qaaday inuu xukuumadiisa ku balaariyo dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dareensii doonaan in xukuumadu aysan ku koobneyn hal Goob oo ay dalka oo dhan fariisimo ka sameysan karaan.

Dr Cabdiweli ayaa sheegay hadalkaan isagoo ku sugnaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe waxuuna wacad ku maray in lasii wadi doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Ra’iisul wasaraha intii uu jowhar ku sugnaa waxa ay shacabka u soo jeediyeen in ciidamo boolis ah la geeyo gudaha gobolkaasi waxana uuna ku wargeliyay in dalabkooda laga jawaabi doono.

Wasiirada ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa inaysan ka soo fogaanin Xarunta madaxtooyada iska daa inay dagaan gobolo ka fog Caasimada Soomaaliya.

cabdi weli

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.