Sara Kac ku yimid Qiimaha maciishadda Degmadda Qansaxdheere Ee Gobolka Bay.

58

Aadan Cabdi Gudoomiyaha degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay ayaa u sheegay warbaahinta   in qiimo koror dhanka raashiinka laga dareemayo degmadaasi.

Wuxuu sababta qiimaha raashiinka uu u kordhay ku micneeyay kadib markii Alshabaab ay cunuqabeteyn dhanka gaadiidkii geli jiray degmadaasi ay kusoo rogeen.

Qiimaha Bariiska, Burka, iyo raashiinka kale ee ay dadweynaha adeegsadaan ayuu sheegay in dhaqaale badan oo ku darsamay, maadaama wax gaadiid ah aysan soo gelin degmadaasi.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dhawaan arimahaasi ay wax ka qaban doonaan maamulkooda, sida uu sheegayna wuxuu ka dalbaday Dowlada Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed inay gargaaraan dadka ku dhaqan Degmada Qansax Dheere.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ayaa dhawaan waxay degmada Qansax dheere kale wareegeen Ururka Al-shabaab.

Qansaxdheere

Idale News ONline, Qansaxdheere.

You might also like More from author

Comments are closed.