Danjire Ali Ameriko, Safiirka Somalia ee Kenya, oo dacwad qoraalka ah ka gudbiyey Wasiir Dibadeedka Kenya

29

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in Safaaraddu ay dacwad ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi u gudbisay dowladda kenya, kadib markii sida ay qoreen warbaahinta dalkaasi uu wasiirku ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii 13-kii bishan ka dhacay Hotelka Jazeera ee Muqdisho xilligaas oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha J.F.Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayay wasiirkaasi.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay u sheegeen in hadalkaasi uu raaligelin ka bixindoono Wasiirku, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in gef iyo sharaf dhac weyn ay ku tahay madaxda Qaranka.

Hadalka Danjire Ameeriko ayaa imaanaya xilli sida la sheegay wargeyska Daily Naition ee ka soo baxa dalkaasi uu daabacay hadal uu ka soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Hotelka Jazeera 13-kii bishan kaas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah, iyadoo mas’uuliyadda qaraxaasi ay sheegatay kooxda argagixisada ah ee Shabaab.

You might also like More from author

Comments are closed.