Golaha Amaanka Oo Codsaday Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan In Cadaalada Lahor Keeno Ninkii Dilay Shaqaalihii QM.

War saxaafadeed ay soo saareen Golaha Amaanka QM waxa ay si kulul u cambaareeyeen dilkii loo geystay shalay lataliyaal ka tirsanaa QM oo uu dilay mid ka mid ah ilaalada garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo.

Golaha amaanka ayaa ugu tacsiyadeeyay eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen iyo xukuumadaha Fransiiska iyo Uk.

Golaha amaanka yaa sheegay labada shaqaale ee ladilay in ay u imaadeen soomaaliya si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliya,waxeyna baaq ujeediyeen saraakiisha soomaalida sida ugu dhaqsiyaha badan  in ay u horkeenan cadaalada shaqsigii dilay labadaasi shaqaaale ee QM.

x-united-nations-flag-wallpaper

Idale News Online, New York.

Comments are closed.