Faalo: Kol Hadii Aan Diidno Sareynta Sharciga! By: Abdiaziz Sh.Salah

63

Guud ahaan shucuubta caalamka maanta ayaa waxay nolol maalmeedkooda iyo waliba tan mustaqbalkooda siyaasadeed sal uga dhigtaan Shuruuc ay ku heshiiyaan oo ugu danbayna salka u dhiga wadanoolaanshaha shucuub aan waxbadan wadaagin iyo kuwo waxwalba isaga mid ah amaba inbadan wadaaga,Hadaba shuruucdan ay ummadduhu dhigtaan ayaa waxay ku kabaan hay’ado u ilaaliya waxa ay kuwada heshiiyeen si looga badbaado in koox amaba qayb ay sida ay doonto ka yeesho amaba ay u turjunto sida ay doonto heshiisyada,Hay’adaas ay ummadduhu u dhiibtaan howshan culus ee ah ilaalinta heshiisyada wadanoolaanshaha shucuubtu ayaa sidoo kale waxay dhidibo adag ku yeeshaan hay’adaha fulinta oo iyagu ugu danbayn wax ka qabta kooxaha amaba shaqsiyaadka sida gaarka ah u doona inay ugu takri falaan heshiisyada ay ummadduhu galaan.

Hadaba ummadda Soomaaliyeed oo ka mid ah ummaddaha burburka Siyaasadeed saameeyay ayaa waxaa haatan la moodaa inay fahmayaan ku dhaqanka waxa ay ummaddu ku heshiiso taasi oo ah wadada kaliya ee ay ummadduhu ku gaareen nabdoonaan Siyaasadeed iyo mid Amniyeed sidaa si lamid ahna ay ummaddeenu ku gaari karto mustaqbal ifaya lehna horumar taabaqaada oo ay ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ku gaari karaan degenaan dhan walba leh.

Hadaba….
Maxaa hortaagan kudhaqanka Shuruucda ay ummaddu ku heshiisay?

Waa su’aal u baahan in dhinacyo badan laga fiiriyo balse waxaa ku soo koobayaa.

1-Qabka Qabiilka.
2-Awoodaha Maadiga iyo Macnawiga.
3-Taxaalufaadka Siyaasadeed iyo Siyaasiyiinta.

Qodobadan sedexda ah hadaan si toos ah u kor istaagno ayaa waxaa hubaal ah inay kuu soo baxayso jawaabta aan baadi goobka ugu jirno ee ah Maxaa hortaagan kudhaqanka Shuruucda aan wada dhiganay?

1-Qabka Qabiilka.

Dabcan Qabiilku waa halka qofka Soomaaliga ahi loogu noqdo kol hadii uu sheegto inuu yahay Soomaali si loo cadeeyo sheegashadiisa,Sidaa daraadeedna waxaa cad in aan nahay Ummad marjiceedu(Halka loogu noqdo) yahay Qabiil taasi oo aan anigu u arko wax fiican oo lagu faani karo maadaama Qabiilka iyo Abtirsiimadu ay yihiin kuwa dhowraaya Soomaalinimadeena iyo weliba jiritaankeena dadnimo balse waxaa hadana marnaba aan la inkiri karin in Qabiilku kolka lagu barxo Siyaasada misna qabkii Qaranimana laga hormariyo qabka Qabiilka waxaan kuu soo baxaya waa heshiiskii ay ummaddu wada dhigatay oo ay beeli ama kooxihi ku tumato sida hadaba taagan.

2-Awoodaha Maadiga iyo Macnawiga.

Sida muuqata labadan awoodood ayaa iyaguna waxay yihiin awoodo aad u xoog badan oo hortaagan dhaqan galka waxa ay uummaddu ku heshiisay maadaama ay ummaddu miisaan ahaan ay kukala gedisan yihiin.

3-Taxaalufaadka Siyaasadeed iyo Siyaasiyiinta.

Waa qaybta ugu danbaysa oo soo daahirta(Soo baxda) kolka ay labadan kooxood ee aan horey u soo taabanay ay si iskooda ah u meel marin waayaan ujeedooyinkooda ay ku burburinayaa misna kaga danaysanayaan heshiisyada ay ummaddu gasho si ay u meel mariyaan danahooda guracana ee ku aadan xeelaysiga shuruucda ummaddu wada dhigatay waxayna markiiba u dhaqaaqaan samaynta isbahaysiyo ay aad uga muuqato fashilka labadan kooxood ee aan korkusoo sheegnay.

Hadaba hadii ay sidan inoogu cadahay waxa hortaagan Ummaddeena inay cagta saarto wadada ummadduhu ku hormareen ee ah saraynta sharciga maxaa inala gudboon?
Waxay ila tahay in ummaddeena ay la gudboontahay inay isla xisaabtanto lana xisaabtanto hay’adaha inoo dhisan gaar ahaan hay’ada Sharcidejinta(Golaha Shacabka) oo iyadu ah hay’ada kaliya ee ay ummaddeenu qaybeheeda kala gedisan ay ku midaysan yihiin lehna awooda ah in ay ummadda magaceeda ku hadasho sidoo kalena gacanta ugu haya shuruucdii ay ummaddu ku heshiisay sidoo kalena looga fadhiyo in magaca ummadda ay kula xisaabtanto Kooxaha,Beelaha,Shaqsiyaadka iyo weliba Mas’uuliyiinta xeeladaysanaya shuruucda dalka ee ay Ummaddu ku heshiisay.

Hadaba hadii doorkan shariifka ah ee ay ummaddu ka sugayso hay’adan Sharcidejintu ay qabto sow xaalkeena noqon maayo dad nacay amaba neceeb u qaada sareynta sharciga kadibna waxa aan sugnaana ma waanu ahayn kusii dhexjirka Burbur bedela Horumar,Cabsi bedelka Amni,Dulmi bedelka Cadaalad,Jahli bedelka Aqoon,Dib u dhac bedelka Horumar,Gaajo bedelka Dhereg iyo weliba iyo iyo iyo ilaa laga gaaro Isnac iyo kala tag bedelka is jeceel iyo wada noolaasho.

Abdiaziz ShSalah,

soomaaliya-290x237

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.