Warbixin: Kooxda Al shabaab oo Dad badan ku xiray Degmada Baraawe.

28

Baraawe- kooxda Al shabaab, ayaa Howlgallo kawada Maalintii 2-aad Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose, waxaana ay xireen Tobonaan Qof oo ay uga shakiyeen ‘Basaasnimo’.

Howgalka oo ay fulinayaan Amniyaatka {Madax-Jebiska} ee Kooxda Al shabaab, ayaa yimid kadib markii Todobaadkan ay Diyaarado Helicopters ah ay Warqado ku qoran Afka Soomaaliya ay ku daadiyeen Degmada, kuwaasi oo Shacabka loogu baaqayo in ay soo gudbiyaan XOGTA Al shabaab. In kaban 25 ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo qabtay Howlaglka oo ka dhacaya dhamaan Xaafadaha Degmada, iyadoo Dadka Deegaanka ay intooda badan isaga carareen Guryahooda Cabsida jirta awgeed

. “Guryahay ayay Dadka ugu galayaan oo Dhalinyarada kala soo baxayaan. Waa Amniyaatka Al shabaab waxa samaynaya Howlaglka, afka ayay soo duubteen waxaana ay wataan Baabuurta Dagaalka, Ganacsiga iyo Waxbarashada saamayn ayay ku sheegeen Howlagallada socda,” ayuu yiri Qof deggan Baraawe oo la hadlay KON isagoo ka gaabsaday Magaciisa. Dadka lasoo qabtay ayaa lagu xiray Xarumo qarsoodi ah oo Al shabaab ku leeyihiin Gudaha Degmada, mana loo ogola Ehelkooda in ay soo booqdaan, waxaana taasi sare usii qaaday Cabsida laga qabo in Dadkaasi ay Kooxda disho.

Kooxda Al shabaab waxa ay Todobaadyadii lasoo dhaafay ku toogatay Fagaaro ku yaalla Degmada Baraawe in ka badana 6 Qof oo qaarkooda Horjoogiyaasha Al shabaab kamid ahaa, kadib markii lagu eedeeyay in ay yihiin Basaasiin la shaqeeya Dowladda iyo Maamulada ka jira dalka. Horjoogiyaasha Kooxda Al shabaab, ayaa ku amray Dadka iyagoo adeegsanaya Cod-baahiyaal lagu soo xiray Baabuur, waxaana ay Dadka ugu hanjabeen in ay dili doonaan Qof ay ku helaan in uu la shaqeeyo Sirdoonka DFS & kuwa Reer-Galbeedka oo basaasaya Dhaq-Dhaqaaqa Al shabaab. Maleeshiyaad badan oo ka kala yimid Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe & Deegaano kale oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa kusii qul qulaya Degmada Baraawe, si ay u adkeeyaan Difaaca looga hortagayo Duulaanka Ciidamada DFS & kuwa AMISOM, oo hadda kaabiga ku haya Buulo Mareer. Degmada Baraawe, waxa ay qiyaastii 210Km dhanka Koonfur ugu beegantahay Magaalada Muqdisho, waxaana la rumaysan yahay in ay ku sugan yihiin Horjoogiyaasha sare ee Kooxda Al shabaab, oo Soomaali iyo Ajaaniib isagu jira. Idale News Online – Baraawe.

Teaser Image Warbixin: Kooxda Al shabaab oo Dad badan ku xiray Degmada Baraawe

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.