Golaha Wasiirada Ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Lagu Wado In La Dhaariyo Warbixin

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay  lagu wadaa in halkaasi lagu dhaariyo golaha wasiirada ee dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ee dhowanahan la magacaabay.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Lixda gobol Cali Cabdullaahi Isaaq oo ka mid ah xubnaha maanta la dhaarin doono ayaa sheegay  in xafladii lagu dhaarin lahaa ay qaban qaabadeeda socoto.

Waxaa munaasabada xaflada dhaarinta wasiirada kasoo qeyb gali doono madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ,golaha guurtida ,odoyaasha dhaqanka ,wasiirada la dhaarin doono marti sharaf la casuumay ay kamid yihiin ururka bulshada.

Baydhaba Janaay.

Idale NewsOnline, Baydhaba.

Comments are closed.