Baarlamanka oo ka dooday sharciga qaadashada baasaboorka.

37

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ayaa kaga dooday sharciga qaadashada baasaboorka iyo kaararka aqoonsiga.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa ugu horeyn mudanayaasha u sharxay sababta uu shalay u baaqday kalfadhiga baarlamaanka ee lagu balan sanaa in uu horyimaado Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka, si uu ugu jawaabo su’aalo ay xildhibaannadu qabeen.

“Waxaan mar dambe ogaanay in Wasiirku uusan dalka joogin, mana jirin wax qoraal ah oo aan ka heli karnay xilligaasi oo ogeysiin ama fariin, Wasiiru- dowlihii Wasaaradda ayaan weydiinay halka uu Wasiirku ku suganyahay iyo in berito uu baarlamaanka hor imaan karo, Wasiiru- dowluhuna wuu nooga jawaabi kari waayay, laakiinse waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda ka ogaaday in uusan Wasiirku imaan Karin, marka shirkii shalay sidaas ayuu ku baaqday, marka waxaan soo jeedinayaa in Warqad canaan ah u qoro oo sharciga ku fadhida, maadaama sharciga baarlamaanku u dhigayo in Wasiirkii imaan waaya xiligii baarlamaanka laga codsado in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa”

Intaasi kaddib mudanayaasha baarlamaanka ayaa gudo galay ka doodista qaadashada baasaboorka iyo kaararka aqoonsiga oo ay ku sheegeen in shacabku ay dhibaato ku qabaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada oo ka hadlay aragtidooda ku aadan qaadashada baasaboorka iyo kaararka aqoonsiga ayaa waxa ay soo jeediyeen “Qaadashada kaararka aqoonsiga runtii dhib weyn ayay shacabku ku qabaan waayo in kabadan labo kun oo qof ayaa saf u galeysa maalintii, teeda kale waxaa intaa sii dheeray in 22 qof ay u dhintaan caafimaad darro, maadaama xaaladahooda dalka wax looga qaban waayay, oo ay u baahdeen baasa booro, kumanaanka kun ee isbuucii la soo dhaafay lagu dhibaateeyay ee la leeyahay sharci darro soo galooti waaye, waxaa la rabay in Waaxda Socdaalka ay taxadir gaar ah ka sameyso, Waxaan soo jeedinayaa in arrinta baasa boorka uusan ku ekaanin hadal oo kale balse la gaarsiiyo gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan, si ay ugu sahlanaato in bulshada ay qaataan baasa boorka, waxaan taageersanahay xildhibaannada soo jeediyay in gobollada la gaarsiiyo baasa boorka dalka, Aniga waxaan qabaa in laga hadlo kaararka aqoonsiga ee loo sameeyay waqti cayimin oo dhacaya, marka waxaan qabaa in la joojiyo sida ay howsha hadda ku socota oo ah in ID uusan noqon mid dhacaya”

Maalinta berrtio ayay sii amba qaadayaan xildhibaannada ka dooddida  qaabka xal loogu heli karo sanmeysashada baasa boorka Soomaaliga ah, iyadoo aan qofka lagu xiran wax sharuud ah marka uu qaadanayo Baasaboorka ama karaka aqoonsiga.

Xildhibaanada-Baarlamaanka

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.