Dagaall Goor dhow ka Bilowday DuLeedka Magaalada Kismaayo

47

Wararka aynu ka halayno haatan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in duleedka magaaladaasi uu ka soconaayo Xiligan dagaal, u dhaxeeya ciidamada Jubba oo kaashanaaya AMISOM iyo kuwa Xarakada Al-shababa.

Dagaalkaan ayaa qarxay ka dib markii kooxda Al-shabaab ay weerar dhuumasho ah halkaasi kusoo qaadeen, iyadoona
wararka ay sheegayaan in qasaaraha ugu badan soo gaaray ciidanka Al-shabaab.

Xaaladda waa mid aad u kacsan, waxaana Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar sheegay in ay hadda eryayaan Al-shabaabka weerarkaan soo qaaday.

Weerrarkan oo u muuqda mid aad u qorsheysan oo ciidamada Shabaabka ay isku soo bahayteen, ayaa warar dheeri ah aana ka helin, balse maamulka waxa ay sheegayaan in ay ika caabin xoogan sameeyeen oo ay Shabaabku Jebiyeen, Dhanka Al Shabaab ayaana kasoo bixin war ku aadan dagaalkan.

breakingIdaleNews
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wakaaladan Insha Allah.

You might also like More from author

Comments are closed.