Soomalida oo aad u hadal haya Gabar Soomaali ah oo nolosheeda badbaadiyay Macalin Cadaan ah(Daawo Muuqaal+Warbixin.

25

Gabar yar oo Soomaali ah oo ay nolosheeda soo wajahday qatar weyn oo ku saabsan caafimaadkeeda ayaa waxaa la sheegay inuu u soo gurmaday oo uu nolosheedana badbaadiyey macalinkeeda iskoolka oo ah nin ay dhalashadiisu tahay British islamarkaana ah nin cadaan ah arintaas oo dad badan ku noqotey la yaab iyo amakaag naxariista macalinkaas.

Gabadhaan yar ee Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caaliya Axmed Cali oo 13 sano jir kuna nool magaalada London ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay nolosheeda soo wajahday qatar weyn ka dib markii uu soo wajahay xaanuun xaga kelyaha ah oo ayna u baahatey si nolosheeda loo badbaadiyo in laga badalo kelida iyadoona ay gabadhaas Soomaaliyeed ay mudo sugeysay qof ku caawiyo keli, Laakiin markii uu macalinkeeda iskoolka oo lagu magacaabo Ray Coe oo 53 sano jir uu ka war helay dhibaatada heysata gabadhaas yar ee Soomaaliyeed ayaa waxaa uu u hibeeyey mid ka mid ah kelyihiisa iyadoona ay arintaas lama filaanka ah ay si aad iyo aad ah ay uga farxisay gabadhaas yar iyo qoyskeedaba oo si xad dhaaf ahna ugu mahad celiyey macalinkaas badbaadiyey nolosha gabadhooda yar.

 

donor3

Ugu dambeyntiina iyadoo arinta uu ku kacay macalinkaas ay noqotey mid ay si aad iyo aad ah uga hadashay warbaahinta caalamka ayaa waxaa la sheegay in gabadhaas iyo macalinkeedaba ay hada ka soo reysanayaan qaliinkii iyo howshii loogu galinaayey gabadhaas kelida cusub ee uu ugu deeqay macalinkeeda iyadoona la filaaya inay dhawaantaan ay dib ugu soo noqdaan iskoolkaas, Macalinka gabadhaas ugu deeqay kelidiisa ayaa waxaa uu sheegay inuu aad iyo aad uu ugu faraxsan yahay inuu caawiyo gabadhaas yar ee Soomaaliyeed 

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com..
Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.