Sir Culus Degmadda Kurtunwaarey Oo loo Magacaawey qof Aan U dhalan( Taaday Anaa Leh Taada ayaa kula lihi).

57

wararka caawa aanu ka helayno magaalada muqdisho waxa ay sheegayaan in caawa wasaarada arimahada Gudaha magacowdey Godoomyiye degmo.
Wararku waxa intaasi ku darayaan in loo magacaawey godoomiyiha degmada kurtunwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose nin aan u dhalan degmadaasi, isla markaana ahaa qabqable dagaale, ka yimi ceel Buur ee Gobolka Galgaduud, oo Magaciisa lagu sheegey Ibrahim balwa.

Kurtunwaarey, waxa hada gacanta ugu jirtaa kooxda Alshabab oo dagaal adag kula jirto dowlada Soomaaliya& AMISOM.

Degmada kurtungwaarey, ayaa waxa asal ahaan iska leh beesha jiido, oo ka tirsan Beelaha D&M. hase, ahaatee wasaarada arimaha gudaha ayaa ugu magacow qof aan ahayn dadka degaanka.
Arintan waxa shabakadda Idale News Online u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan maamulka Gobolka shabellaha hoose.

Ma ahna markii ugu horeysay oo ay qaado tilaabo noocan ahi wasaarad arimaha gudaha , Dhaawan ayay ahayd ka dib markii maamul dhusha ugu keentey dadka Degmada afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Ugu dambeynti, waxaana la ogayn in dadka degmada kurtunwaarey ka soojeeda ee dal iyo Dibadba sida ay arintani ugu jawaabi doonaan maadaama dhulkoodu maalin cad la boobayo.

topsecret

Idale News Online, kurtunwaraarey.

You might also like More from author

Comments are closed.