Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo ka hadlay tallaabada Muungaab uu xafiis kaga furtay Degmada Heliwaa.

55
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, ayaa waxa ay ka hadleen tallaabada Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu ku degay Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo Odayaasha Dhaqanka Hawiye kamid ah, ayaa Wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, wuxuu ku soo dhaweeyay tallaabada Muungaab uu xafiis kaga furtay Degmada Heliwaa oo ay adag tahay sida ay ugu dhiiran karaan masuuliyiin Dowladda ka tirsan.

Wuxuu sheegay Axmed Diiriye Cali in Muungaab uu yahay geesi muujiyay in Degmooyinka Gobalka Banaadir meeshii loo baahdo laga dagi karo, iyadoo aysan jirin dhibaato dhanka ammaanka ah.

“Waxaan leenahay Muungaab waad lasoo dhaahday inaad Degto Degmada Heliwaa agagaarka Hoteel Ramadaan, mar hore ayaa lagaa rabay, laakiinse waan ku faraxnay waana soo dhaweynaynaa”Ayuu yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Arin ku dayasho mudan, ayuu ku tilmaamay Degitaanka Muungaab, Degmada Heliwaa, waxaana uu ugu baaqay madaxda Dowladda inay sidaasi si lamid ah ugu daydaan oo ay degaan Degmooyinka Magaalada Muqdisho si loo muujiyo ammaanka iyo in Dowladda ay gacanta ku hayso.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ayaa xafiiska labaad ee Gobalka hada wuxuu uga furan yahay Degmada Heliwaa, halkaasi oo uu ku qabto inta badan shaqooyinka Maamulka, waxaana tani ay muujinaysaa isbedel ka duwan maamulkii hore.

Degmada Heliwaa ayaa waxaa badanaa lagu tiriyaa inay Shabaab awood ku leeyihiin, laakiin waxaa jirta meelaha qaar oo ay ku badan yihiin dhalinyarada Shabaab ee dilalka qorsheysa geysata.

axmedDirie

Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.