Ganacsato Soomaali oo ku ku fikiray in Geel lagu dhaqdo Muqdisho.

0 75

Magaalada Muqidsho waxaa dhawaan laga hirgaliyay tallaabo aad u fiican oo mudan in lagu daydo, waxa ay ahayd ganacsato Soomaali ah ayaa ku fikiray in ay sameeyaan wax aan horre loo arag, markii xero geel lagu dhaqdo ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Geel lagu xareeyay xero ku taalla duleedka Muqdisho

Geelaaas meeshaas ayuu ku xareesan yahay waa geel loogu talagalay in lagu dhaqo magaalada lagana helo caano saafi ah oo loo iibgeeyo hotelada iyo goobaha kale ee magalada ku yaala sida maqaayadaha.

Maxamed Axmed oo ka mid ah ragga ku fikiray in ay sameeyaan arrintaas ayaa VOA u sheegay in arintan loo smaeeyay markii la waayay caano saafi ah oo magaalada lagu iibiyo.

Wuxuu kaloo sheegay in caanaha ay iibiyaan in ay lee yihiin qiimo go’an sidaas oo ay tahay hadana ay yihiin kuwa tayo iyo caafimaad intaba la baaray.

Geellaaas ayaa la sheegay in maalintii labo jeer laga maalo caano loona iibgeeyo mehradaha cuntada ee magaalada.

Geella oo lagu yaqiin baadiya ayaa hadda waxaa laga heli karaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya sidda Muqdisho.

Waa ganacsigii ugu horeeyay laga hirgaliyo Muqdisho, waxaana inta badan caanahaas caba dadka ka yimid qurbaha.

Soomaalida waxa ay caan ku yihiin dhaqashada Geella oo caanaha iyo hilibkiisa ay aad u jecel yihiin, waxaana taas ay aad uga muuqataa sugaantooda.

Fkirkaaga ka soo dhiibo qoraalkan?

Idale  News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.