Prof. Maxamed Sh.Cisman Jawaari”waan Xaliyey Khilaafkii Baydhabo Janaay”

0 58

Muqdisho- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaana”Jawaari”oo Xalay Fiidkii ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu soo Xaliyey Siyaasadii ka Taagneeyd Magaalada Baydhabo.

Teaser Image Prof,Jawaari”waan Xaliyey Khilaafkii Baydhabo”

Prof.Jawaari oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu Xal ka gaaray Xiisadii Siyaasadeed iyo Maamuladii isku hayey Magaalada Baydhabo Janaay.

Gudoomiye Jawaari ayaa intaa ku daray in Meel fiican ay Arintu mareyso oo intii badneeyd la xaliyey islamarkaana inta dhiman dhawaan la Xalindoono.

Max’ed Shiekh Cismaan “Jawaari” Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu Sharaxaad ka bixiyo Qaabka loo Heshiyey iyo Maamulka la isku raacay intaba.

Jawaari ayaa mudo Saddex Cisho ah ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay,halkaa oo ay ka jiraan Labo Maamul oo Magaalada ka wada taliya.

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.