Ada Badda Talyaaniga Oo Soo Badbaadiyay Dooni Ay Saarnaayeen Muhaajiriin African Ah.

71

Taliyaaniga: Markab laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay Dooni buuxdhaafisay ay saarnaayeen Muhaajiriin,kuwaasi oo ku safrayay Badda Mediterranean,sida lagu sheegay War shalay Dowlada ay shaacisay.
Muhaajiriintaan la soo badbaadiyay ayaa gaarayay 730,waxayna ku safrayeen Labo doomood,iyagoona markii la soo badbaadiyay ka dib loo soo qaaday magaalada Dekada Leh ee Sicily, ee gobolka Agrigento.

Dad Markab Talyaaniga uu soo badbaadiyay waxaa k jiray 124.Haween ah iyo 29-Carruur,waxayna muhaajiriinta intooda badan ka kala yimaadeen wadamada Africa Sida Soomaaliya iyo Eritrea halka kuwo kale ay ka yimaadeen wadanka dagaalada ay la degeen ee Syria,sida Saraakiil ay sheegeen.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday wadanka Qaxootiga ay u maraan gaaritaanka Eurobe,laakiin warbixinta ayaa tilmaameysa in Qaxootiga ay la kulmaan qataro fara badan marka ay doonayaan in ay gaaraan Eurobe.

tahriibka

Idale News Online,Italy.

You might also like More from author

Comments are closed.