Daawo Sawirradda Maamul goboleed Lagu Sheegey Banadir State oo Muqdisho ku Doortay Madaxweyne Cusub.

45

Muqdisho: Baarlamaanka maamul goboleedka Banadir State ayaa maanta doortay Madaxweyne cusub, kaddib markii ay cod u qaadeen laba musharax oo isku soo taagay jagada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Banadir State.

Munaasabadaan oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxay xildhibaanada Baarlamaanka Banadir State oo tiradoodu gaareysa 93-Mudane markii ay bilaabeen codeynta labada musharax isla markaana la tiriyay codadkii 83-Xildhibaan waxay codka kalsoonida siiyeen inuu noqodo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Banadir State Md. C/llaahi Axmed Maxamed (C/llaahi Dheere).

Sidoo kale musharaxa kale ee la tartamayay wuxuu helay 6-cod, kaasi oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Abkow, isagoo halkaasi khudbad kooban ka jeediyay musharaxa laga guuleystay waxa uu sheegay inuu la shaqeynayo Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Banadir State C/llaahi Axmed Maxamed (C/llaahi Dheere) ayaa halkaasi loo dhaariyay xilka Madaxweynenimo, wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo gudasha xilka loo doortay.

“Xilka aad ii doorateen oo ah mid culus waxaan idinka codsanayaa inaad ila garab gashaan gudashada waajibaadka ina wada saaran” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad goboleedka Banadir State Md. C/llaahi Dheere oo u mahad celiyay dhammaanba musharaxiintii isaga la tartameysay iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Banadir State ayaa ku soo beegantay kaddib markii uu is casilay Madaxweynihii hore Maxamed C/raxmaan Cali isla markaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu is hortaag ku sameeyay kulan ay Muqdisho ku lahaayeen maamulka Banadir State.

DSCN3598DSCN3599DSCN3602DSCN3603DSCN3617DSCN3614DSCN3613DSCN3609DSCN3607DSCN3593DSCN3591DSCN3588DSCN3608

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.