Gudoomiyaha Baarlamanka ee DF soomaaliya Prof Jawaari iyo Madaxada Dowlada Koonfur Galbeed oo Baydhabo Janaay kulan ku yeeshay + sawiro.

44

Kulan wada tashi ah oo ay iskugu yimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka Madaxda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka KGS Mudane Maxamuud Sayid Aadan , gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Malaaq Shure iyo Waziirada dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid wada tashi ah ayaa waxaa loogaga hadlay sidii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya utaageeri lahaa dowlada Koonfur Galbeed ee dhawaan ka curatay dalka.

Geba gebadii kulanka ayaa waxaa labada dhinac isku afgarteen in laga wada shaqeeyo amaanka guud ee KG iyo taageerida shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

kulan-jawaari2kulan-jawaari3 (1)kulan-jawaari3kulan-jawaari4kulan-jawaari5Idale News Online, Baydhaba.

You might also like More from author

Comments are closed.