Maamulka gobalka Sh Dhexe oo baab’iyay beero laga beero maandooriye.

40

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow ayaa sheegay in maamulkooda uu hubay beero laga beero maandooriyaha Xashiiska. Isagoo u warramayay VOA-da ayuu sheegay in maamulkooda uu ku guuleestay in ay soo helaan beeraha laga beero maandooriyaha Xashiiska dabadeedna ay gubeen si deeganka aaney saameen ugu yeelan.

Wuxuu kaloo sheegay in ganacsato Soomaali ah iyo ajaaniib ay dhaqaale ku bixin jireen maandooriyaha lagu beerayo beeraha ku yaalla gobalkaas. Guddoomiye Jiinow ayaa ballan qaaday in sidda Shabaab ay ula dagaalamaan in ay ula dagaalami doonaan kooxaha beera maandooriyaha Xashiiska.

Mar la weydiiyay sidda uu sameenta ugu hayay gobalka wuxuu sheegay in dad badan ay isticmaalaan maandooriyaha kuwaasoo caqabad ku noqday nolashooda sidda uu yiri. Ugu dambeyn guddoomiye Jiinow ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha in ay maandooriyaha ku abuuraan beeraha maadama uu u keenayao dhibaato xoog leh.

Cabdi-Jiinow-300x225

Idale News Online, Jawhar.

You might also like More from author

Comments are closed.