Khasaaro badan oo ka dhashay qaraxyada ka dhacay Xaafadda Islii (Daawo Sawirada).

42

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Nairobi Benson Kibue, ayaa wuxuu goor dhow uu sheegay in 6 qof ay ku dhimatay qaraxyada, halka in ka badan 10 qofna ay ku dhaawacantay.

Labada qarax ee caawa ka dhacay xaafadda Islii, ayaa siyaabooyin kala duwan loogu kala weeraray laba maqaaxiyadood, iyadoo mid ka mid ah qaadka lagu cuno, halka midda kalana lagu iibiyo bataatiga.

Dadka faraha badan leh ee qaraxyada ku dhaawacmay, ayaa waxaa la kala geeyay Isbitaalada Kenyatta iyo Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Gurunanak.

Taliyaha Booliska wuxuu sheegay in ay soconayaan baaritaan culus oo ku saabsan, waxa ay ka dhasheen laba qarax ee ka dhacay Xaafadda Islii, oo ay Soomaalidu ku badan tahay.

Ilaa iyo hadda waxaan jirin cid sheegatay masuuliyada qaraxyadaan, sidoo kalana majirto cid ay Dowladda Kenya ku eedeysay, in ay iyadu ka dambeysay.

miisaa86

miisaa85

A Somali woman injured in a blast is assisted upon her arrival at Kenyatta National Hospital in Nairobi

miisaa83

An injured blast victim arrives at Kenyatta National Hospital in Nairobi

An injured blast victim arrives in an ambulance at Kenyatta National Hospital in Nairobi

An injured blast victim arrives in an ambulance at Kenyatta National Hospital in Nairobi

Idale News Online,Nairobi,Kenya.

You might also like More from author

Comments are closed.