Maamulka KMG Ee Jubba oo soo dhaweeyay maamulka Sedexda gobol ee dhawaan looga dhawaaqay Baydhabo Janaay.

66

Maamulka Jubba ayaa soo dhaweeyay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, taasoo gudoomiyaha sedexda gobol ee Bay, bakool iyo shabeelaha hoose loogu doortay Mudane Max’ed Xaaji Cabdinuur.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah xarunta madaxtooyada Kismaayo ugu qabteen, afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada  Cabdiqani Cabdi Jaamac ayay kusoo dhaweeyeen madaxweeynaha sedexda gobol.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan madaxweeynaha cusub, isagoo sheegay in madaxweeynaha looga fadhiyo in uu wada xaajood la galo dhinaca kasoo horjeedo si buu yiri xal looga gaaro
muranka siyasadeed ee haatan jira.

Masuulkan ayaa ku amaany dowladda federaalka Soomaaliya dowrka ay ka ciyaareeyso dib u heshiisiinta iyo xal u helidda mushkiladaha ka taagan gobolka Bay, wuxuuna ku booriyay madaxda dowladda in ay laba
jibaaraan dadaalkooda.

Seeraar ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto maamulka sedexda gobol ee uu hogaamiyo Madaxweeyne Max’ed Xaaji Cabdinuur.

Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal la weeydiiy oo ahayd waxa ilaa imika ka qabsoomay heshiisyii ay dowladda Soomaaliya kula saxiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu yiri: “Heshiisyada intoodii badnayd waa ay hirgaleen, waxaa ka mid ah shirarkii Muqdisho, qaar kamid ah garabyadii mucaaradka oo dib usoo laabtay iyo arimo kale oo badan, waxa dhimanna waxaan rajeyneynaa in la dhameystiri doono.”

Hadalkan kasoo yeeray madaxda maamulka Jubba ayaa  kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan taageerada ay maamullada ka jira dalka u fidinayaan hogaanka cusub ee maamulka sedexda gobol, iyadoo war saxaafadeed  maalinimadii shalay kasoo baxay Puntland lagu taageeray maamulkaasi.

seeraarr

Idale News Online,Kismaayo.

You might also like More from author

Comments are closed.