C/laahi Goodax Barre”Qorshe uma heyno Dadka Barakacaya”.

53

Muqdisho-Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa ka hadlay Xaalada Dadka ka Barakacay Deegaanada Al-shabaab laga Xoreeyey.

Teaser Image C/laahi Goodax Barre

Wasiir Godax ayaa sheegay in aysan jirin Wax qorshe ah oo Dadkaasi loogu talogalay in Dib u dajin loo sameeyo.

Waxaa uu intaa ku daray Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya  Mudane C/laahi Goodax Barre in Dowladda Soomaaliya ay Xiligaan ku Mashquulsan tahay Dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab.

Marka laga sootago hadalka Wasiirka ayaa waxaa jira in Degmooyinka laga Xoreeyey  Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ka jirto Xaalada Adag oo dhanka Nololsha ah.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa laga saaray ugu yaraan 10 Degmo oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waxaana Degmooyinkaasi ku Dhibaateysan Kumaankun Qoys oo ka Barakacay Dagaalka u dhaxeey Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo iskaabaya iyo Kooxda Al-shabaab.

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.