Maxaa ka soo kordhay saaka xaaladda cakiran ee magaalada Baydhabo Janaay?

81

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in weli madaxa la iskula jiro isla  markaana ay ka soconayaan wli magaaladaasi kulamo u dhaxeeya madaxda sare ee dalka iyo dhinacyada isku haya magaalada.

Inkastoo weli wax faahfaahin ah aan laga bixin wada hadallada habeenkii labaad ka dhacay magaalada Baydhabo waxaana ujeedku uu yahay in la tir-tiro maamulka lixda gobal ka kooban.

Malaaq Shiino oo kamid ah odayaasha wax ka dhisay maamulka lixda gobal ee Madoobe Nuunow iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ujeedka madaxda uu yahay in la baabi’iyo maamulka lixda gobal iyagana ay sidaas ku qanacsaneyn.

Waxaa kaloo uu sheegay in seddexda gobal aysan jirin isla markaana Baydhabo uu ka jiro maamul lix gobal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la isku af garan waayay kulamadii shalay iyo xalay ka dhacayay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Ba.

Waxaa la filayaa markii la is af-garto in madaxda iyo dhinacyadaba ay shir ja’aaid qabtaan kaasoo caddeyn u ah heshiiska laga wada gaaray kulamada dhacaya inkastoo xaaladda markii la eego ay aad u adag tahay in si fudud la isugu soo dhowaado.

Baydhaba Janaay.

Idale News Online,Baydhaba.

You might also like More from author

Comments are closed.