Xubno Ka Socodo QM oo booqadey Degmadda Xudur

65

Xudur-Wafdi ka socda QM ayaa maanta gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,halkaa oo ay ka jirto Xaalad adag oo dhanka Nolosha ah.

Teaser Image Wafdi QM ka socda oo Gaaray Xudur

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya kuxigeenka Ergayga Gaarkaa ee QM Soomaaliya u qaabilsan Filib nasaraani,waxaana ay kulan la qaateen Maamulka Degmada Xudur.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Max’ed Macalin ayaa Keydmedia online u sheegay in ay Wafdiga QM ka socda ay ka wada hadleen Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Gar-gaar la gaarsiiyo Dadka ku dhibaateysan degmada Xudur.

Degmada Xudur ayaa dhawaan waxaa laga Xoreeyey Maleeshiyada Kooxda Al-shabab,waxaana ka jira Xaalad Nololeed oo aad u daran.

Dhawaan waxaa Degmada tagay Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax barre,kuwaa oo u soo kuur galay Xaalada Dhabtaa.

idale  Online , xudur

You might also like More from author

Comments are closed.