Dhageyso: Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka hadley Maamulka Seddexda Gobol ee Baar Bakiin looga dhawaaqey

48

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashey maamulka Shariif Xasan & walaalkiis Madeer uga dhawaaqeen magaalada Baydhaba ee seddexda gobol uu yahay mid looga dan leeyahay fowdo iyo qas hor leh uuna yahay sharci daro. Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Arrimaha FederaAlka Mudan Maxamuud Macalin Yaxye ayaa yiri ” haddii dowladu wax ogolaaneyso ay ogolaaneyso maamulka lixda gobol ee ku dhismay rabitaanka shacabka, isla markaasna kacdoon  badan ku diidey imaatinka xildhibaano iyo masuuliyiin ka socota dowlada oo safaro ku tagey magaalada Baydhabo iyagoo wada maamul ka kooban seddex, hase ahaatee dadweynuhu u diideen inay gudaha magaalada galaan muddo afar beri ah” 

Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Arrimaha FederaAlka Mudan Maxamuud Macalin Yaxye ayaa wareysi uu siiyay VOA si adag usheegay in is magacaabidii uu sameeyay Shariif Xasan walaalkiisa tahay qas iyo fowdo, sheegayna in waxa loo dhamaan doona uu yahay kan Lixda Gobol. Halkaan Hoose ka dhageyso:

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/03/wasiir-yaxye.mp3]

Idale News Online, Mogadishu

Baydhabo maannta

 

You might also like More from author

Comments are closed.