Ahlusunnada Gobalka Gedo oo Guddoomiye Cusub u Magacawday Degmada Buurdhoobo ee gobalka Gedo.

52

Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa shegaya in Gudoomiye Cusub loo magacaabay Degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo,kadib Markii laga saaray Kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Ahlusunna ee gobalada Koonfureed gaar ahaan Gobalka Gedo ayaa Magacaabay Gudoomiyaha Buurdhuubo,iyadoo Gudoomiyahaas Cusub uu ka hadlay Arimo Xasaasi ah.

Maamulka Ahlusunna ee Gobalka Gedo ayaa u magacaabay Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo Xasan Maxamed Cali(Xasan yare),kaas oo shegay in uu ku Faraxsanyahay Xilka loo magacaabay.

Magacaabida Gudoomiyaha Buurdhuubo ee gobalka Gedo ayaa imaanaysa xili Dhawaan Maamulka Ahlusunna iyo kuwa Dowladda Federaalka somaaliya ay si buuxda ula wareegen Degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo iyo Degaano kale oo Gobalka Gedo Katirsan.

Gudoomiyahan Cusub ee Buurdhuubo ayaa shegay in aysan Aqoonsanayn maamulka Axmed Madoobe,isagoo shegay in Ay hoos tagaan Dowlada Somaaliya,Waxana uu shegay in Gobalka Gedo uusan u Talin Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Maamulka Baydhabo loga dhawaaqay ee Lixda Gobal ayuu shegay in aysan Hoos imaan Waxana uu shegay in Dowladda dhexe Ay Hoos yimadaan,Balse Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Midna aysan Hoos Imaan,isagoo sido kale sheegay inuu guddoomiyaha KMG ee waqtigigiisii dhamaaday ee gobalka Gedo oo sharciyana awood u lahayn in guddoomiyaal degmo uu magacaabo

Gudoomiyaha Cusub ee Buurdhuubo oo la hadlay Idacaada VOA ayaa ka hadlay Magacaabida Xilkiisa& Arimo Kale oo Xasaasi ah.

Sh. Xuseen Alqaadi, ahlusunna

Idale News Online, Buurdhuubo.

You might also like More from author

Comments are closed.