Ahlusunada Gobolada Koonfureed Oo Dalbatay In Laga Taageero Dagaalada Ay Ka Wadaan Gobolada Koofureed,

62

Muqdisho: Ahlsunada Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, ayaa xilligaan dalbanaysa taageero ku aadan dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ku sugan.

Afhayeenka Ahlusunada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi, oo la hadlay idaacada Risaala, ayaa wuxuu sheegay in beesha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan taageero ay ku wiiqaan awooda Shabaab.

Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa taageerada uu dalbaday wuxuu ku sheegay inay tahay tababarka ciidanka dhanka saadka ciidamada iyo wax waliba oo ciidankooda loo awooda.

Ciidamada Ahlusuna ayuu sheegay inay u taagan yihiin difaacida dadka diinta iyo dalka Soomaaliya intaba.

Ahlusuna ayaa qeyb ka ah dagaalada lagula jiro Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya ka socda.

Sh. Xuseen Alqaadi, ahlusunna

 Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.