Afhayeenka AMISOM”Waan Wiiqnay Awoodii Al-shabaab”.

95

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Cornel Cali Aadan Xumud oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay Awoodoodii Wiiqeen.

Teaser Image Afhayeenka AMISOM

Cali Xumud ayaa sheegay in Goob kasta oo Al-shabaab lagu weeraro ay ka Cararaan islamarkaana ay Shacabka Soomaaliyeed  ku dhax dhuuntaan.

Afhayeenka AMISOM ayaa Al-shabaab  ugu baaqay in ay Shacabka ka soo dhax baxaan oo ay la dagaalamaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Al-shabaab ma doonayan in ay nala dagaalamaan,waxa ay  sheegayaan ee ah jihad in ay wadaan waa been,waayo Dadka Jihaadka wada ma Cararaan”ayuu yiri Xumud.

Hadalka Afhayeenka AMISOM ayaa imaanaya Xili Degmooyin badan oo ku yaala koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya Al-shabaab laga Xoreeyey.

Idale News online – Xafiiska Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.