Degmada Ceelbuur oo Al-shabaab laga Qabsaday.

65

– Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Goor dhaw la Wareegay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay Maleeshiyadii Al-shabaab Degmada kala waregeen kadib dagaal Mudo socday.

Warka ayaa intaa ku daray in Ciidamada Huwantaa ay hada si buuxda u maamulaan Degmada Al-shabaabna Dagaal looga saaray.

Saraakiil Ciidamada Dowladda ka tirsan ayaa Xaqiijiyey Qabsashada Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Wali lama sheegin Khasaaraha Dagaalka Maanta ka dhashay,waxaana Degan Xaalada Degmada oo Ciidamada ay fariisimo ka sameysteen.

ciidanka dowlada Soomaalia

Idale News Online – Xafiiska Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.