Xildhibaan Xaabsade & Aadan Madoobe oo Shariifka ugu baaqey in degdeg uga baxo magaalada Baydhabo

36

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyey in maamulka saddexda gobol ee uu wado xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan uusan ka shaqeyn doonin magaalada Baydhabo.

Labadan xildhibaan oo si kala gaar ah uga hadlay dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen illaa labo ruux markii dadweyne diiday in xildhibaan Shariif Xasan uu yimaado Baydhabo ay ku mudaaharaadeen garoonka diyaaradaha, ayaa waxay ku eedeeyeen Shariif Xasan inuu magaalada Baydhabo shalay soo geliyey hub uu ka soo qaatay magaalada Muqdisho.

“Ninkaas waxaan leenahay magaalada ha isaga baxo, hadduu ka bixi waayana shacabka ayaa ka jawaabi doona.” ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hub la doonayo in lagu qalqal geliyo amniga Baydhabo oo laga qaaday Muqdisho la geeyay Baydhabo.

“Diyaaradii uu la socday ayuu hub ku watay, waxaana nasiib darro ah in garoomada laga gudbinayo hub la rabo in dadka lagu xasuuqo.” ayuu yiri Aadan Madoobe.

“Dadkan maamul ayey leeyihiin, mana shaqeyneyso in maamul kale lagu dul dhiso oo qas iyo fawdo la geliyo.” ayuu sii raaciyey Aadan Madoobe.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo Shariif Xasan uu ka sheegay eedeynta loo jeediyey in rabshadii shalay ka dhacdayBaydhabo ee isaga ka dhalatay markii uu tagay Baydhabo.

Sidoo kale dawlada federaalka ee lagu eedeeyay inay hub siisay Shariif Xasan ayaan weli hadlin.xaabsade

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.