War Naxdin leh:Aabe, hooyo iyo laba caruur ay dhaleen oo uu madfac kula dhacay Degmada Qoryooley

62

Dagaalkii  Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ku waxyeeloobay qoys dhan, markii uu madfac ku soo dul habsaday.

Iska horimaad galabta Ururka Al Shabaab iyo Ciidamada Huwanta ku dhex maray Degmada Qoryooley, ayaa waxaa la sheegay in madaafiic ay isweydaarsanayeen, uu mid kamid ku soo dhacay guri ay ku sugnaayeen aabe, hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhaleen.

Madfacaasi, ayaa waxa uu sababay dhimashada aabaha iyo labadii caruurta ahayd ee qoyska dhaleen, iyadoo hooyada la sheegay in ay labada lugood ka go’day, laakiin ay nooshahay.

Qoyska ku waxyeeloobay madfacaasi, ayaa waxay ka tirsanaayeen dadka deegaanka, iyadoo ay ka mid ahaayeen qoysaska fara ku tiriska ah ee ku haray Qoryooley.

Waxaa kaloo jira dad shacab ah oo sidoo kale ku dhintay, kuna dhaawacmay, dagaalka culus ee maanta ruxay Degmada Qoryooley, oo lagala wareegay Xarakada Al Shabaab.

qoryooleey

Idale News Online Qoryooley.

You might also like More from author

Comments are closed.