Nabadoon Macalin Gaas “Magaalada Kismaayo waxay noqotay kawaankii dadka lagu gowracaayay”.

54

Nabadoon Macalin Gaas oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu si kulul uu kaga hadlay dilalka ka dhacaaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Nabadoon Macalin Gaas, ayaa wuxuu sheegay in dilalka ka dhacaaya Magaalada Kismaayo ay noqdeen kuwo taxane ah, isagoo sheegay inaysan jirin cid wax ka qabaneyso.

“Magaalada Kismaayo waxay noqotay kawaankii dadka lagu gowracaayay, dadka lagu dilaayo mMagaalada Kismaayo waxay noqdeen kuwo joogto ah, majiraan cid wax ka qabaneyso.” ayuu yiri Nabadoon Macalin Gaas.

Nabadoonka oo la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa wuxuu Sheekh Axmed Madoobe uu ku eedeeyay in uu sababteedu lee yahay dadka lagu xasuuqaayo Magaalada Kismaayo.

Macalin Gaas, ayaa sheegay in dilkii ugu dambeeyay uu shalay galab ka dhacay Magaalada Kismaayo, ka gadaal markii loo geystay nin ku shaqeysan jiray farsamada gacanta.

Dowladda Federalka ee Soomaaliya ilaa iyo hadda kama aysan hadlin dilka ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

kismaayoKistaa

Idale News Online, Kismaayo.

You might also like More from author

Comments are closed.