Madaxweyne Gaas oo ka warbixiyay safarada uu ku marayo deeganada Maamul Goboleedka Puntland

146

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso magaalada gobalka Bari, ayaa ka warbixiyay wax yaabaha uu salka ku hayo socdaalka uu marayo magaalooyin ka tirsan Puntland.

Mudane Gaas oo saxaafada kula hadlay Boosaasi  ayaa sheegay sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira degmooyinka Puntland inta xukumadda awoodeeda ah.

Wuxuu kaloo sheegay in maamulkiisa uu aad uga war qabi doono xaalada ay shacabka Puntland ku nool yihiin, isagoona sidoo kale tilmaamay shirar kala duwan inuu ku qaban doono maalmahan soo socda gudaha magalada Bosaso kuwaasoo looga hadlayo xaalada dhaqaale ee Puntland,ganacsiga iyo mid nabadgalyo.

Meelaha uu soo maray Gaas waxaa ka mid ah Degmada Rakoraaxo oo ka degsan laamiga wuxuna halkaasi kaga dhawaaqay balan qaad ah inuu dhisi doono xafiis uu mamulku ku shaqeeyo.

Ammaanka magalada Bosaso ayaa si wayn loo adkeeyay caawa waxana jira ciidamo kala duwan oo wadooyinka qaar lagu arkayo oo il-gooniya ku haya dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadwaynaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Garaash),Wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore,Wasiirka Caafimaadka Dr.Saadiq Eenow.Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyaradda,.wasiirka Duulista hawada iyo masuuliyiin kale oo xildhibaano iyo saraakiil ciidan ah ayaa safarka Gaas ku weheliya waana socdaalkii ugu horeeyay uu sameeyo Gaas intii xilkan loo doortay.

Gaas

 Idale News Online, Boosaaso.

You might also like More from author

Comments are closed.