AMISOM oo Shaacisay in ay La wareegtay Qoryooleey.

61

Marka War Goor dhaw AMISOM ay ku baahisay Barta ay Twitter ku leedahay ayaa waxaa ay ku sheegatay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay la wareegeen Degmada Qoryooleey.

Teaser Image AMISOM oo Shaacisay in ay La wareegtay Qoryooleey

ciidanka dowlada Soomaalia

Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka u jirta 120KM Dhanka Galbeed.

Waxaana in Mudo ah Maamuli jiray Maleeshiyada Al-shabaab Al-Qaa’ida.

AMISOM ayaa sheegtay in Degmada Qoryooleey ay noqoneyso Magaaladii Sideedaad oo Laga qabsado Maleeshiyada Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Magaalada ka galay ilaa Seddex Jeho, ayadoona Al-shabaab ay iskaga Carareen.

Idale News Online, Qoryooley.

You might also like More from author

Comments are closed.