Shariif Xasan Sheekh Adan oo qorshihii ugu adkaa damacsan iyo sir fakatay.

106

Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilligaan wax auu damacsan yahay sida la sheegey qorshihii ugu adkaa ka dib markii uu ku guuleestay in daaqadda uu ka saaro maamulkii dhawaan laga dhisay magaalada Baydhaba ee Lixda gobala ahaa.

Waxa uu hadda rabaa inuu noqdo madaxweynmaha maamulka Koonfur galbeed ee Sedaxda gobal ah, waxaana uu sameeyay qorsheyaal adag oo dhanka dowladda ah.

sida la sheegey Dhawaan waxa u kulamo la qaatay wasiiro uu ka mid yahay kan arimaha gudaha, waxaana uu ka dhaadhicinaayay sidii dowladda ay kaalin xoogan uga qaadan lahayn shirka maamulka Koonfur galbeed ee sedaxda gobal ah.

Siyaasiin uu isaga ka mid yahay waxay doonayeen in maamulka Lixda gobal ah ay daaqadda ka saaraan, weyna u hir gashay oo waxay doonayaan hada arimo kale.

shariif1-250x274

Idale News Online Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.